La shaqee deegaanka dibadda

Wax faa’iido leh u sameey dadka, bii’ada iyo cimillada
Goobahaada shaqo waa bannaanka magaalooyinka iyo xaafadaha magaalada dhexdooda ku yaal sida beeraha, darjiinooyinka xaafadaha, beeraha kaniisadaha, beeraha geedaha, goobaha isbitaallada iyo wixii soo raaca.
Waxaad ka shaqeyneysaa goobaha bannaanka ah ee ishu ku doogsato isla markaana caafimaadka laga helo, ahna goobo lagu ciyaaro laguna jimicsado iyo wixii soo raaca. Laakiin waxaa iyaga jira howlo kale sida maareynta biyo-mareennada, sameynta jawi magaaleed wanaagsan, simidda jewiga heer-kulka iyo nadiifinta hawada.
Shaqa bixiyayaasha waxyaabahaas looga shaqeyn karo waxaa ka mid ah:
Darjiinooyinka beeraha ee degmada iyo maamullada isboortiska
Shirkadaha guryaha iyo ururrada shirkadaha guryaha
Shirkadaha ka shaqeeyaha beeraha iyo darjiinooyinka
Goobaha xabaalaha iyo darjiinooyinka kaniisadaha
Kooxaha kubadda golfiga
Hey’adda taraafikada
Shaqooyin dibadeed kala duwan
Shaqada waxey aad u badantahay muddada abriil illaa sibtembar. Waqtigaas waxey shirkadaha shaqaaleysiiyaan shaqaalo dheeraad ah. Waqtiga qaboobaha waxey shaqaalaha ka shaqeeyaan xaagidda barafka. Shaqadaas waxaa qofka loga baahan yahay in uu yaqaabo sida loo wado cagaf cagaf. Waxaa kale oo laga shaqeyn karaa dhagax jebinta iyo ka shaqeynta dhulka iyo dhagax dhigidiisa. Waqtiyada ey shaqada yartahay waxaa calashaan wanaagsan in laga shaqeyn karo waxyaabo la sameyn karo waqtiga barafka.
Waxaad jeceshahay in aad qabato shaqooyin muruq maalnimo
Waxaad tahay qof aad u raba inuu waxyaabo cusub barto isla markaana jecel shaqooyinka xoogsashada ah, xattaa haddii ey mararka qaar tahay mid isku wax la laga shaqeynayo. Wey kuu fududahay in aad sidii aad u fekeri jirtay si ka duwan u fekerto. Qorshaha wuu is bedeli karaa haddii cimillada iyo macaamiisha is bedesho. Mar kasta waxaad masuuliyad iska saareysaa in ey shaqada qabsoonto.